Timaha islamarkaasna qurux usamayso taas oo ah arrin xaqiiqada kafog dawooyinkaasina
Badanaa waxay dhibaato ku keenaan qofka marsanaya iyo timahaba .
Laakiin su,aasha iswaydiinta lahi waxa weeye maxaynu lacagteena ugu kharashgaraynaynaa
dawooyin wax faa,ido inoo lahayn inagoo heli karana isku daryo faa,ido aad ubalaadhan uleh
timaha iyo dheereeyntooda .
Halkan waxaan idiinkusoo gudbin doonaa habab dabiici ah oo timaha lagu dheereyn karo
1:Isku darka malab iyo saliid saytuun iyo beed"ukun"
Waxaad isku dartaa hal beed ah iyo hal malqaacad"qaado"ah iyo hal malqaacad"qaado"
oo malab ah kadibna kadibna isku walaaq isla markaana mari timahaaga kunadaa qiyaastii
20daqiiqo kadibna kumaydh biyo qabaw iyo shaamboo sidaasoo kale timaha umari muddo
dhawr todobaad ah waxaanad arki doontaa isbadal ku dhacay timahaagi
2:Muuska
Muuska waxa ku jirta maadada potassium iyo vitamin A iyo E iyo waliba vitamin C kuwaas oo
Kaqayb qaata adkaynta iyo dheeraynta timaha sidaa daraadeed waxa laga maarmaan ah in
aad muuska cunistiisa iyo marsashadiisaba aad badasid si aad uyeelatid timo dheer oo qurxon
3:Vitamin E
Vitamin E waxa uu door libaaxleh kaqaataa dheeraynta timaha sababtoo ah waxa uu awood
uleeyahay in uu kordhiyo oxygenta iyo wareega dhiiga ee fooda timaha sidaa daraadeed waxa
loo baahanyahay in timaha aad marasid saliida vitamin E-eega saliidaas oo ah saliid kuqani ah
vitamin E-eega kadibna maalin iyo habeenkeed hataabsan maalin labaada waxa aad timaha ku feedhaa shaamboo
4:Toonta
waxaad saddex malqaacadood"qaado"oo waaweyn oo ah saliida qunbaha ah ama saliid saytuunka kolba kii aad hesho weel kushub kadibna ku dar saddex jab oo toon ah oo dhilan
kadibna dabka yara saar ilaa 7daqiiqo kadib kaqaad dabka yara sug inta ay qaboobayso
kadibna timaha marso sidaas oo kale samee todobaadkiiba saddex jeer
thanks sis
ReplyDelete