sidaasi daraadeed ayaa gabadh kastaaba isku dayaysaa in raadiso xal iyo dawo si ay ugu soo celiso timaheeda qaabkeedi dabiiciga ahaa ,
laakiin xal ma imanayo haddii aan la ogaan sababta dhabta ah ee kadanbeysay arrintan
sababaha keena daadashada timaha
1:adeegsiga qalajiyaha timaha
arrin layaab leh ayay kugu noqonaysaa haddii aad ogaatid qalajiyaha timaha loo adeegsado marka lasoo maydho "lasoo qubaysto"jidhka in uu keeno timaha oo daata taas oo keena in ay dhintaan kiishashka timaha haya
2:midabada timaha lamariyo
waxa jira midabada timaha lamariyo qaarkood in ay gubaan kiishashka timaha haya kaasoo keenta in jiridii timaha haysay ay daciifdo kadibna ay dhimato sababtuna ay tahay midabadan timaha lamariyo oo asal ahaantood laga sameeyo kiimiko "chemical"
3:jiidjiidka timaha
in badanaa lajiidjiido timaha waxay keentaa in uu jilco jirida haysa timaha taasoo marka danbana sababta in ay timuhu daataan
No comments:
Post a Comment