Cadaynta Wajiga
Waji cad oo quruxbadan oo ceeb lahayn waa himilada gabadh kastaa ay leedahay ,
iyadoo ay jirto maanta alaab badan oo loo isticmaalo cadaynta wajiga hadana badankoodu
maaha qaar kugaadhsiin kara sidaad doonaysid in wajigaagu noqdo,
Sababaha uu isku badalo midabka wajigu
Ubanbaxa khataraha deegaanka sida wasakhawga iyo cadceeda waxa ay sababaan in isbadal kuyimaado midabka jidhka gaarahaan wajiga iya sababo kale oo ay kamid tahay cuntada aad
cunto iyo iyo caqligoo ladaaliyo sida fikirka iyo warwarka badan laakiin nasiib wanaag waxa
jira waxyaabo dabiici ah oo lagu cadayn karo wajiga oo aad kaheli karto madakhaaga .
1:Malabka Iyo Caanaha
Waxaad isku dartaa malqaacad caano ah iyo malqaacad malab ah kadib isku walaaq
marka aad isku walaaqdid kabacdi waxaad marisaa wajigaaga ilaa iyo 15daqiiqo kadib
si fiican iskaga maydh
2:Saliida Lawska
Waxaad wajigaaga ku duugtaa ama aad marisaa saliida lawska iyadoo diiran sababtoo ah
waxa kordhaya wareega dhiiga iyo helitaanka wajigaagu uu helo dhalaal iyo nuur gaar ah
sidoo kale waxaad samayn kartaa in biyo lawska aad kudhex rido kadibna ilaa habeenkii aad
kudaysid aroornimadana laridqo laguna daro subaga caanaha kadibna wajiga lamariyo laguna daayo qadar dhan 15daqiiqo
3:Caleemaha Nacnaca
Waxaad kadhigataa caleemaha geedka nacnaca layidhaahdo dahaadh ama dabool oo kale
adoo wajiga dusha kasaaraya kuna daynaya ilaa 15daqiiqo nacnacu waxa uu kaa caawinayaa
in uu nadiifiyo dhamaan daldalooda maqaarka iyo saamaynta falaadhaha cadceedu kuyeeshaan wajiga
4:Sacfaraanka Iyo Malabka
Waxaad isku dartaa malqaacad caano qaydhiin ah iyo malqaacad sacfaraan ah waxaanad
Marmarisaa wajigaaga adoo farta kuwareejinaya dhamaan wajiga kadib ku daa ilaa iyo
inta uu ku qalalayo kadibna iska maydh isku darkin sifiican ayuu u cadeeyaa wajiga sidoo
kale waxa uu dawo iyo cilaaj uyahay wajiga qalalay
Marmarisaa wajigaaga adoo farta kuwareejinaya dhamaan wajiga kadib ku daa ilaa iyo
inta uu ku qalalayo kadibna iska maydh isku darkin sifiican ayuu u cadeeyaa wajiga sidoo
kale waxa uu dawo iyo cilaaj uyahay wajiga qalalay
5:Maa-u Wardi
Maa-u wardigu faaido aad uweyn ayuu uleeyahay wajiga sidaa daraadeed waa laga maarmaan
inaad wajiga marsatid waayo waxa uu wanaajinaya midabka wajigaaga .
Nasteexooyin gaar ah
1:waligaa wajigaaga ka ilaali dawooyinka laysku cadeeyo xataa hadii ay wajigaaga cadaan kadhigayaan maaha caddaan daa-im ah ee waa cadaan wakhtiyaysan sidoo kale dawooyinkan laysku cadeeyo waxa ku jira kiimiko aad ubadan oo dhaawac halis ah gaadhsiin kara wajiga
2:badanaa iska ilaali in wajigaaga aad udhigtid cadceeda xilliga ay kulushahay taasi waxay keenaysaa in isbadal kuyimaado midabka wajigaaga
3:markasta ku dadaal nadaafada wajigaaga waayo quruxda wajigaaga waxay cabiraysaa quruxda jidhkaaga kale
Asc sln kadib waxan rabà a in à an iska daayo iscadeynta mxaan isticmala talo ayaan ka rabà a
ReplyDelete