sida lawada ogyahay qof kastaa waxa uu jecel yahay in uu yeesho waji quruxbadan oo
dhalaalaya isku dayga taa aynu kaxaqiijinayno waxa aynu isku daynaa in aynu adeegsano
dawooyin iyo kiriimyo lagayaabo in waxyeeladeedu kabadantahay waxtarkeeda ,
laakiin akhriste ma ogtahay in daraasado iyo cilmi baadhis cusub oo lasameeyay lagu ogaaday in cuntooyinka aynu cunno maalin walba iyo khudradaha ay door muhiim ah kaqaataan
quruxda wajiga sida daraadeed halkan waxaan idiin gudbinaynaa khudrado iyo cuntooyin kala duwan ee akhris wanaagsan
Khudrada
khudrada noocyadeeda kala duwan alle waxa uu kumanaystay faaidooyinka kala duwan ee
ay uleeyihiin jidhka insaanka kuwaasoo qaarba waa kuwan ee illa akhri
1:Shamaamka
shamaamku waxa uu leeyahay dheecaan dib unoolayn ama cusboonaysiin kusameeya
unugyada wajiga kaas oo kadhiga mid nuuraya oo dhalaalaya
unugyada wajiga kaas oo kadhiga mid nuuraya oo dhalaalaya
2:Tufaaxa
tufaaxo waxa uu kamid yahay khudrada aadka wax tarka ugu leh wajiga isagoo wajiga cusboonaysiin kusameeya
3:Muuska
odhaah baa tiraahda "hadaad muuska cunto dhakhtar is arkimaysaan"sababtoo ah muusku
faaido aad iyo aad ubadan ayuu uleeyahay jidhka guud ahaan gaar ahaan wajiga isagoo door muhiima kaqaata quruxda wajiga
4:Caanaha
cabitaanka hal koob oo caano aan lahayn dufan waxa aad kuheli kartaa wajiga aad kuriyootid ama aad kufikirtid waayo caanuhu waxa ay leeyihiin bakteeriya disha sunta ku jirta wajiga
taasoo quruxda wayn uyeelaysa wajiga
5:Kaarooga
kaarooga waxa lagu yaqaanaa faaidada aadka uwayn ee uu leeyahay indhaha laakiin faaidada
kaaroogu kuma koobna kaarooga oo kaliya sidoo kale waxa uu faaido balaadhan uleeyahay
wajiga isaga oo ka ilaaliya in wajiga finan kasoo baxaan sababtuna ay tahay kaarooga waxa kujira vitamin A kaasoo ka ilaaliya wajiga in unugyo kudul abuurmaan wajiga dushiisa
sidoo kale kaarooga waxa uu kahortagaa kansarka kudhaca maqaarka
6:Baradhada
baradhada faaido aad uwayn ayay uleedahay wajiga iyadoo kahortagta dhibaatooyin badan oo wajiga kudhaca oo ay kamid tahay waxyeelada falaadhaha cadceeda
No comments:
Post a Comment