Helitaanka Timo Quruxbadan Oo Caafimaad Qabaa Oo Leh Dhalaal iyo Soo Jiidasho
Waxay Ubaahan Yihiin Daryeel Gaara Iyo Ilaalin Waxa Daryeelka Kamid Ah Qormadan
Maanta Halkan Aan Idiinkusoo Gudbinayno Taas Oo Ah Isku Daryo Door Mihiima Kaqaata
Qurxinta iyo Caafimaad Qabka Timaha,
1:Isku Darka Malabka Iyo Saliid Saytuunka
Waxaad Isku Dartaa Saddex Malqaacadood Oo malab Ah iyo Malqaacad Saliid Saytuunka
Dabiiciga Ah Kadibna Isku Walaaq Markaad Isku Wada Walaaqdo Timahaaga Ku Maydh
Shaamboo Kadibna Timahaaga Waxaad Marisaa Alaabtii Aad Isku Walaaqday Timahaaga
Adoo Sifiican Umarinaaya Guud ahaan Timahaaga Kadibna Timahaaga ku Duubduub ama
Ku Dabool Maro Kuna Daa Xaaladaa Muddo 30 Daqiiqo ah Kadibna Kumaydh Biyo
Diirimaad Ah Waxaad Arki Doontaa Natiijo Layaableh
2:Isku Darka Malab iyo Saliid Saytuunka iyo Beedka"ukunta"Intiisa Huruuda Ah
Waxaad Isku Dartaa Laba Malqaacadood Oo Malab Ah iyo Laba Malqaacadood Oo
Saliid Saytuunka Ah Iyo Beedka"ukunta"Intiisa Huruuda Ah Kadibna Siwanaagsan
Iskugu Walaaq Kadibna Mari Timahaaga Adoo Sifiican Umarinaya kuna daa ilaa iyo 20 Daqiiqo Kadibna Kumaydh Biyo Diiramaad Ah
No comments:
Post a Comment