Friday, March 10, 2017

Maxaa Keena Haaraha Balse Sidee Loobaabiin Karaa




waa maxay haaruhu: haaruhu waa dhibco madmadow oo kuyaala wajiga oo kaduwan midabka wajiga waxayna badanaa kubadan yihiin dhalinyarada rag iyo dumarba sidoo kale waxay aad ugu sii badanyihiin dumarka marka ay dhalaan ,

haaraha badanaa waxa loo sababeeyaa ama loo aaneeyaa qoroxda ama cadceeda oo haaruhu 
waxa ay kubadanyihiin dhulka kulaylaha ah sidoo kale waxa loo sababeeyaa gabawga waana mid kamid ah astaamaha kasoo hormara intaanu wajigu gaboobin sida kale haaraha waxa lala 
xidhiidhayaa dhaxalka ama inlakala dhaxlo sidoo kale haaruhu waxa aykubadan yihiin 
dadka sanboorka qaba ,dadka warwarka badan,dadka qaata dawooyinka kahortaga uurka 
waxaasoo dhani waxa ay sababa uyihiin haaraha 

Sidee Layskaga Ilaalin Karaa  haaraha 

1:Iska ilaali cadceeda ama qoraxda in aad kushaqayso ama aad socsocoto marka ay kulushahay
2:Iska ilaali in aad cadceeda si badheedh ah wajigaaga ugu dhigto 
3:Iska ilaali warwarka badan noqo qof dabiici ah hadii wax kheyrleh kugu dhacaan ilaahay 
ugu mahadnaq hadii wax xun kugu dhacaana iska sabir
4:iska ilaali qaadashada dawada kahortagra in gabadhu qaado uur

Sidee Layskaga Dawayn Karaa

1:waxaad marisaa meelaha ay haaruhu kaaga yaalaan "saliid castor"
2:vitamin E-ga waa in aad isticmaashaa waayo waxa uu wanaagsan yahay maqaarka

No comments:

Post a Comment

Popular

Recent

Comments